Bay iyo Bakool oo ka baxaya macluusha

Gobollada Koofurta Soomaaliya qaarkood ayaa ka soo reynayaa xaaladda raashinka iyo biyaha.

Bay iyo Bakool ayaa la sheegay in ay ka baxeen xaaladdii macluusha.

Sabab waxay hey'adfda Qaramada Midoobay ee OCHA ay oga dhigtay in gurmad xoog leh la sameeyay, isla markaana ay roobabkii ka da'ay gobolladaasi ay wax ka tareen wax soo saarka beeraha iyo xoolahaba.

Laakiin OCHA waxay BBC u sheegtay in goobaha ay ku badan yihiin dadka soo barakacay ee Shabeellada hoose sida daafaha Afgooye iyo weliba Muqdisho ay xaaladdu weli xun tahay.

Waxaa kale oo ay ku tilmaantay hey'addu in Shabeellada Dhexe ay xalaaddu weli xuntahay, sababtoo ah roobabka oo ka soo daahay, oo aan weli waxba ka soo go'in beeraha.