Cabdi Qeybdiid oo la weeraray

khariidada Soomaaliya
Image caption Cabdi Qeybdiid ayaa dil ka badbaaday

Ilaa 4 qof ayaa ku dhintay, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday halka uu Magaalada Gaalkacyo ka deganaa Cabdi Qeybdiid.

Weerarkani waxaa loo addegsaday rasaas iyo isqarxin, waxaana uu ka dhacay qaybta maamul goboleedka Galmudug ee magaladaasi. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaa uu ka badbaaday weerarkani

Qaybdiid waxaa uu mar ahaa taliyaha ciidanka Booliiska dowladda ku meelgaarka ah iyo wasiirka macdanta iyo biyaha.

Wareysi uu siiyay BBC, Cabdi Qaybdiid waxaa uu sheegay in uu Gaalkacyo u tegay nabadaynta iyo khilaafbixinta dowlad goboleedka Galmudug, waxaana uu weerarkani ku eedeeyay xarakada Al-Shabaab.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan