Dagaal Muqdisho ka dhacay

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaal ayaa ka dhacay duleedka Muqdisho

Dagaal duleedka magaallada Muqdisho ka dhacay saaka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof.

Dagaalka waxa uu ka dhacay deegaanka Jaziira, waxayna wararku sheegayaan in dagaalku uu billowday ka dib markii xarakada shabaab weerar ku qaadday degaankaasi.

Al-Shabaab ayaa muddo labo saacadood haystay aaggaasi, hasa ahaatee, ciidanka dowladda ayaa markii dambe la wareegay, sida ay dowladdu sheegatay.

Abbaandulaha Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaliya Gen Cabdikarim Yusuf Dhagabadan ayaa sheegay in ciidankoodu uu ku raad joogo dagaalyahanka weerarkaasi soo qaaday.

Aagga Jaziira waxaa uu kaabiga ku hayaa xerada ciidanka Midowga Afrika ay ku leeyihiin dugsigii militeriga ee Xalanae.

Weerarkan ayaa muujinaayo in Al-Shabaab ay weli halis ku tahay ammaanka magaalada Muqdisho, in kasta oo horey looga qabsaday qeybo badan oo ka tirsan magaalada.

Ka sokow cidanka Midowga Afrika, Soomaliya waxaa haatan ku sugan ciidamo ka socda Kenya iyo Ethiopia oo sheegay in ay la dagalamayaan Al-Shabaab.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan