Dagaalyahanno Yemen lagu dilay

Khariidada Yemen Lahaanshaha sawirka 1
Image caption Weerar ayaa lagu qaaday dagaalyahanka Yemen

Ugu yaraan 11 dagaalyahano looga shakinayo in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Qaacida ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo Maraykanka uu ka fuliyey koonfurta dalkaasi Yemen.

Sida ay wararku sheegayaan dadka dhintay waxa ku jira nin la sheegay in uu ahaa taliyaha Al-Qaacida ee gobolka. Dadka degaanka ayaa sheegaya in weerarkas loo adeegsaday diyaaradaha aanay cidna wadin ee loo yaqaano Drones-ka.

Duqeyntani cirka waxay ka dhacday gobolka koonfureed ee Abyan, waxaana lala beegsaday aag ay dhawaanatan degalyahanka horumar ka sameeyeen, iyagoo ka faa’idaysanaaya qalalaasaha siyaasadeed ee Yemen.

Ilaa hada wax war ah kama soo bixin Washington, lakin wararka ka imaanaaya degaanka waxay sheegayaan in dhwor weerar fiidnamadii lagu qaaday iskuul ay ku shirayeen dagaalyahanka. Goobta la weeraray ayaa lagu tilmaamay bar ay maamulaan dagaalyahanka.

Kaaba qaabilada ayaa sheegay magaca mid kamid ah dadkii halkaasi ku dhintay, oo ah Cabdil Muncim Fataxaani, oo ay sheegeen in muddo dheer la raadinayay. Waxaa uu ka badbaaday weerarro hore. Ma jiraan wax war oo muujinaaya in dad rayid ah ay wax ka soo gaareen weerardaasi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan