NATO: Pakistan ayaa caawisa Talaban

MaleeshiyadaTaliban Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Maleeshiyada Taliban

BBC-da ayaa waxay heshay warbixin sir ah oo ay diyaarisay NATO oo ka howlgasha Afghanistan oo ay ku sheegayso in kooxda taalibaan ay weli taageero toos ah ka hesho laanta sirdoonka ee dalka Pakistan ee loo soo gaabsho ISI.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in taalibaan ay weli taageero ballaaran ka haysato dadka reer afghanistan. Wasaarada arrimaha dibedda ee afghanistan waxay ku tilmaantay eedeyntaas wax lagu qoslo waxayna sheeghtay in Pakistan ay ka go'antahay siyaasad ay ka marantahay faragelin.

Afhayeen u hadlay NATO ayaa waxaa uu sheegay in warbixintan aanay ahayn qiimeyn ku saabsan howgalka military, balse laga aruuriyey dagaalayhanada taliban ee la xiray.