Ra'isul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kulmay

Raisul Wasaaraha Talyaaniga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Raisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Talyaaniga oo kulmay

Ra'isul Wasaaraha Somalia Cabdiweli Maxamad Cali oo booqasho shaqo ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa wadahadalo la yeeshey Ra'isul Wasaaraha dalkaasi Mario Monti.

Waxayna ka wada hadleen arrimaha la xiriira burcad badeeda iyo shirka London lagu qaban doono oo loogu hadli doona arrimaha Soomalia. Raisul wasaaraha waxaa uu sheegay in dowladiisa diyaar u tahay in ay la hadasho Xarakada Al-Shabaab.

Ra'isul Wasaare Cabdiweli waxaa kale uu horey ula shiray wasiirada arrimaha dibadda iyo gaashaandhiga, Talyaanigana waxaa uu ballan qaaday in uu Soomaliya ka caawin doono dhanka militariga.

Talyaaniga ayaa shirka London loogu qaban doono Soomaalida ku tilmaamay fursad nabad loogu soo dabbaali karo dalkaasi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan