Nin qirtay inuu Alshabaab lacag u aruuriyay

Alshabaab Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maleeshiyada Alshabaab u dagaalanta oo qaar ka mid ah ay yihiin caruur

Nin Somaali ah oo dhalasho Maraykan ah leh ayaa qirtay inuu lacag u aruurinayay kooxda islaamiyiinta ee Alshabaab.

Maxkamad ku taala Minneapolis ayaa dhagaysatay Axmed Xussein Maxamoud inuu lacag u aruuriyay Alshabaab si ay u qoroto maleeshiyo u dagaalanta.

Dacwo oogayaasha ayaa sheegay in uu lacagta uu u sheegay dadka inuu u aruurinaayo masaajid loo dhisaayo dadka soomaalida ee degan Minnesota oo ah gobolka ugu badan ee ay Soomaalida degan tahay.

Lacagta uu aruuriyay qaarkeed waxaa loogu tala galay in hub loogu iibiyo Alshabaab.

Ahmed Xusein Maxamoud ayaa hadii laxukumo la xiri karaa ilaa shan iyo toban sano.

Siddeed iyo toban Soomaali Maraykan ah ayaa lagu dacwaynayaa inay lacag u arruurinayeen Alshabaab.