Madaxweynaha Maldives oo is casiley

Madaxweynaha Maldives oo is casiley Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Maldives oo is casiley

Madaxweynaha dalka Maldives, Mohamed Nasheed, ayaa is casiley. Mr Nasheed, oo ah madaxweynihii ugu horeeyey ee si dimoqraadi ah loo soo doorto, ayaa televishanka qaranka ka shaaciyey is casilaadiisa, kadib markii saraakiisha booliska ay gadoodeen.

Madaxweyne ku xigeenka dalka, Mohammed Waheed Hassan, ayaa loo dhaariyey inuu la wareego xilka madaxtinimada.

Mushkiladda ayaa bilaabatey toddobaadyo kadib oo ay dhacayeen mudaaharaadyo looga soo horjeedey xarig loo geystey garsooraha ugu sareeya ee qaadista dembiyada culus Abdulla Mohamed. Xarigaasi ayaa lagu tilmaamey mid shaki badan dhaliyey.

Mr Nasheed ayaa ku eedeeyey garsooraha inuu u janjeero dhanka mucaaradka.

Laakiin ninka haatan talada la wareegey, Madaxweyne Waheed Hassan, ayaa sheegey in awoodda fulinta aaney faragashan nidaamka garsoorka ee dalka.