Qarax ka dhacay Muqdisho

Boliiska magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qof baabuur isku qarxiay uu dilay ilaa toban qof xaafada xamarweyne.

Boliiska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow Hotel Muna oo ay isticmaali jireen dad ka tirsan dowladda.

Hotelka oo la qarxiyay sanadkii 2010ka ayaa waxaa ku dhintay soddon iyo laba qofoo ay ku jiraan xildhibaano.