Baarlamaanka UK oo ka doodaya Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Baarlamaanka Britain

Dood ku saabsan Soomaaliya ayaa hadda ka socota baarlamaanka waddanka Britain.

Doodda oo uu furay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, William Hague ayaa waxaa ka qeybgalaya mudanayaal ka kala tirsan xisbiyada kala duwan ee siyaasadda ee Britian.

Doodda ayaa inta badan waxaa xoogeeda ay ku wajahan tahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Soomaaliya.

Waxaa kale oo looga hadlayaa shirka ay qabanqaabisay dowladda Britain ee 23 ka bishan Febraayo lagu qabanayo London.