Syria oo sii xoojisay dagaalka Homs

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Kumanyaal ayaa ku dhintay Syria tan iyo markii kacdoonku bilowday

Dowladda Syria ayaa cusbooneysiisay duqeynta culus ee ay ku heyso magaalada Homs maalintii lixaad, iyadoo isku dayeysa inay baabi'iso iska caabinta halkaasi ka imanaysa.

Wararka ayaa sheegaya 30 qof in lagu dilay duqeynta maanta.

Saddex qoys ayaa lagu duugay burburka dhismooyinka guryahooda.

Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo wax uu ugu yeeray naxariisdarada Homs inay noqon doonto waxc ka sii dara.

Waxa uu sheegay in Golaha Ammaanka ku guuldareystay inay isku raacaan hal cod oo ay ku joojiyaan dhiigga daadanaya ee Syria, taasi oo uu sheegay inay dhiirgelisay inay soo xoojiso dagaalka ay ku heyso dadkeeda.

Kooxaha mucaaradka ayaa sheegaya in ciidanka Syria ay sii xoojinayaan soohdimaha dalalka Jordan, Lebanon, Turkey, iyo Ciraaq si ay uga hortagaan in hub laga soo geliyo xuduudda.