Greece oo doonaysa lacago dheeri ah

Wasiirka Maaliyadda ee Greece Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Europe ayaa shuruud dheeri ah ku xirtay Greece

Wasiirada dowladaha Europe ee adeegsada lacagta Euro-ga ee ku kulmaaya Brussles ayaa Greece ka dalbay in ay fuliso sadex shuard, ka hor intaan lasin lacag gaarayysa 130 billion oo Euro oo dib logu soo noolaynaaya dhaqaalaha dalkaasi.

Ka hor shirka wasiirada maaliyadda ee Europe ee xiga ee la qaban doono Arbacada, baarlamaanka Greece waxaa laga doonayaa in uu ansixiyo qorshe lagu dhimaaya qaraashaadka dalkaasi.

Waxaa la sheegay in loo baahanyahay in dadka reer Greece laga gooyo lacag malaayiin doolar ah, xisbiyada dalkaasina waxaa laga doonayaa in ay sameeyaan ballan qaad ah in ay ixtiraami doonaan qodobada heshiiskani doorashooyinka kadib.

Guddomiayaha shirka wasiirada maaliyadda ee Europe Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in dul qaadka loo muujinaaya Greece uu sii dhamaanaaya.

Wasiirka maaliyadda ee Greece ayaa shirka kadib sheegay in dalka Greece ay tahay in uu qaato go'aano adag.