Dowladda iyo mucaaradka oo is eedeynaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaraxii ka dhacay magaalada Aleppo

Dawladda Suuriya iyo xoogagga ka horjeeda, midba ka kale ayuuu ku eedaynaya in ay ka danbeeyeen labdii qarax ee ka dhacay magaalada, Aleppo ee 28ka qof ku dhinteen.

Dawladda Suuriya waxaa ay Qaraxyadaas ku eedayasay, waxay ku tilmaantay, kooxo argagixiso ah oo bartilmaameed ka dhigtay, dhismo ay lee yihiin qaybta sir-doonka ee ciidamada Suuriya oo saldhig amaankiisu sugan yahay u ah ciidamada.

Kooxaha dawlada la dagaalamaya oo lagu magcaabo Ciidamada Xorta ah, waxaa ay sheegeen, in ay meelahaas ka hawl-galayeen, hase ahaate waxaa ay intaas ku dareen in aanay, iyagu ka danbaynin qaraxyadaas.

General ka tirsan Ciidamada Suuriya oo magiciisa la yiraaho, Firas Abbas ayaa waxaa uu sheegay in aanay dawlada Suuriya, u dabranaynin oo aanay u wiiqmaynin, qabshadaha.