Mudaaharaad lagu taageeraaya Al-Shabaab

Afhayeenka Al-Shabaab Lahaanshaha sawirka other
Image caption Al-Shabaab waxay sheegtay inay ka soo horjeeda shirka London

Ilaa laba kun oo qof ayaa ka qayb-qaatay isu soo bax ka dhacay dalka Soomaaliya oo ay abaabushay Xarakada Islaamiga ah ee al-Shabaab.

Dibed-baxa ayaa lagu muujinayay taageerada go'aanka al-Shabab ay ugu biirtay al-Qacida, isla markaana waxaa looga cabanayay shirka caalamiga ah ee dalka Soomaaliya loogu qabanayo bishan magaalada London.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ka hadlay degaanka Lafoole oo ku dhow magaalada Afgooye, waxaana uu sheegay in aysan aqbalayn waxa ka soo baxo shirka Soomalida loogu qabanaaya Britain 23 February.

Dowladda KMG ah ayaa dagaal kula jirto al-Shabab koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ciidamada AMISOM, Itoobiya iyo Kenya ayaa sidoo kale dagaal kula jiro Xarakada Al-Shabaab.