UN: Waan caawin doonnaa dadka ka barakacay guryaha dowladda

Barakaca Muqdisho Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qaramada Midoobey oo sheegtay inay caawinayso dadka ka barakacay guryaha dowladda

Isku duwadaha howlaha gargaarka bini'aadaminimo ee Qaramada Midoobay, Mark Bowden, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ku meelgaar-ka ah.

Markn Bowden ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo dowladda ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo dejin lahaa dadka ka barakacay dhismayaasha dowladda. Bowden waxay shir ay albaabadu u xiranyihiin uu la yeeshay wasiirka arrimaha gudaha ee DKM Cabdisamad Macallin Maxamuud.

Shirkaasi kadib ayaa Mark Bowden waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey ayaa haysa lacag wax looga qabto dhibaatada dadka laga saarayo guryaha dowladda, waxaana uu sheegay in ay kaalmo dheraad ah ka suagayaan shirka London loogu qaban doona dhinacyada Soomalida. Shirkani ayaa waxaa uu dhici doona 23 bishan February.

Dowladda KMG ayaa ku dhawaad 20,000 oo qoys ka barakicisay guryahii dowladda, waxayna sheegtay in ay u haysa mashaariic ay dib loogu dhisaaya xarumihii dowladda ee hore.