Kumanaan soo dhaweeyay xulka Zambia

Xulka Zambia Lahaanshaha sawirka
Image caption Zambia ayaa ku guulaysatay Koobka Qaramada Afrika

Kooxda kubadda cagta ee Zambia ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalkooda kadib markii ay ku guulaysteen Koobka Afrika markii ugu horaysay.

Kumanyaal qof ayaa ugu tegay gegida diyaaradaha ee magaalo madaxda Lusaka iyagoo xiran dharka calankooda.

Waxay kaloo dadka safnaayeen jid u dhaxeeya gegida diyaaradaha iyo Stadium lagu qaban doono bandhig faneed.

Zambia ayaa ka guulaysatay Ivory Cost.