Dibedbaxyo ka dhacay Baxrain

Dibedbaxyada Baxrain Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Baxrain waxaa la xusayaa sanad guuradii ka soo wareegtay mudaaharaadyadii

Boliiska Baxrain ayaa isticmaalay sunta dadka ka ilmaysiiso oo ay ku kala eryeen dad mudaaharaadayay.

Dadkani ayaa waxay xusayeen sanadguuradii ka soo wareegtay markii ay bilaawdeen mudaaharaadka Baxrain.

Waxaa jiray iska horimaadyo xalay ka dhacay magaalo madaxda Manama iyo xaafadaha ay dagaan dadka Shiicada ah.

Kumanyaal qof aya doonaya inay ku banaan baxaan fagaaraha Lu'lu ee bartamaha Manama oo ay sanadkii hore ka dhaceen mudaaharaadyada.

Boliis badan ayaa jidadka la dhigay. Dadka mudaaharaadaya ayaa Shiicada wadanka u badan waxayna doonayaan inay hanaan ku dhisan dimoqraadiyad. Wadanka waxaa ka taliyo bqortooyo ay maamuleen dad Sunniyiin ah.