Barakac ka dhashay dagaalka Muqdisho

Barakacayaal Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Dadka ayaa ka barakacaaya duleedka Muqdisho

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo kaashanaya kuwa DKMG ee Somalia ayaa labadii maalmood ugu dambeeyey waxay weeraro ku hayeen goobaha ay ka taliso kooxda Al Shabab ee duleedka magaalada Muqdisho.

Arrintaasi waxay sababtay bara-kac balaaran. Dadka goobahaasi ku sugan ayaa horey ugu barakacay magaalada Muqdisho xilliyadii ay dagaaladu halkaasi ka socdeen.

Hada waxay u barakaceen dhanka Magaalada Balcad oo ay Muqdisho ka sii aadayaan.