Garoowe oo heshiis lagu saxiixay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Saxiixa heshiiska Garoowe waxa uu dhacay xilli saqii dhexe ah

Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa ku gaaray magaalada Garowe heshiis ay rajeynyaan inuu soo gabagabeeyo dhibaatada ka taagan dalka.

Baarlamaan cuub oo leh aqal sare ayaa la sameyn doonaa iyo dastuur oggolaanaya dowlad ku dhisan nidaamka federalka.

Haweenka ayaa boqolkiiba soddon waxaa la siin doonaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, oo noqon doona 225 xubnood, halka uu hadda ka yahay 550 mudane.

Heshiiska oo ay saxiixeen madaxda dowladda KMG ah, laba maamul goboleed iyo Ahlu Sunna wal Jameeca, ayaa waxa looga doodi doonaa shirka toddobaadka dambe ka dhici doona Lonon.

Safiirka Britain ee Soomaaliya, Matt Baugh, ayaa sheegay in heshiiska Garowe uu yahay tallaabo horey loo qaadan hanaanka siyaasadda ee Soomaaliya, isla markaana dowladda Britain ay soo dhaweyneyso. Waxa uu yiri "dhinacyadu waa inay xaqiijiyan inay fuliyaan wixii ay sheegeen inay ku heshiiyeen".