Fanaan Maxamed Wardi oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Maxamed Wardi waxa aad u jecel heesihiisa qaar badan oo ka mid ah Soomaalida

Heesaaga caanka ah ee waddanka Sudan, Maxamed Cismaan Wari ayaa ku geeriyooday magaalada Khartuum isaga oo 80 jir ah.

Maxamed Wardi waxa uu soo caan bixiyay muusig dhaqameedka gobolka uu ka soo jeedo ee Nubiya.

Maxamed Wardi oo lagu yaqaanay fikradaha garabka bidix, ayaa waa xiray Madaxweyne, Jaafar Numeri sanadihii 1980, waxaana uu galay masaafuris markii Madaxweynaha hadda awoodda haya Cumar Xasan al-Bashiir uu talada qabsaday 1989.