HRW: Al-Shabaab waxay qorataa carruur

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Febraayo, 2012, 12:01 GMT 15:01 SGA
Dagaalyahanada Al-Shabab

Dagaalyahanada Al-Shabab

Hay'adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in kooxda Al Shabab ee dalka Somalia ay kordhisey inay qorato carruur u dagaalanta.

Carruurtaasi ayaa si khasab lagu qortaa , sida ay sheegtey warbixinta.

Hay'adda ayaa sheegtey in carruurta askarta laga dhigo aysan ku cusbeen Somalia, laakiin ay aad ugu korortay labadii sanno ee ugu dambeeyay.

Human Rights Watch ayaa sheegtey in Al Shabab ay carrurta yaryar khasab kaga soo wado dugsiyada, guryahooda iyo goobaha ay ku cayaaraan. Carruurtaasi ayaa qaarkood da'doodu tahay 10 sanno oo keliya.

Waalidiinta isku daya inay carruurtooda ka badbaadiyaan in lagu daro dagaalyahanada Al-Shabab ayaa la dilaa.

Warbixinta ayaa sidoo kale ;agu dhaleeceeyey Dowladda Ku-Meel-Gaarka ah ee Somalia inay iyana ciidamadeeda u qorto carruur yar yar, hase yeeshee tirada ay qorato ay ka yar tahay tan Al-Shabab.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.