Ciidanka Ethiopia oo Baydhabo la wareegay

Wararka ka imaanayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xarakada Al Shabab lagala wareegey maamulka magaalada.

Ciidamada Ethiopia oo kaashanaya ciidamada DKMG ee Somalia ayaa la wareegey magaalada.

Ciidamada Ethiopia ayaa horey ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Bardaale oo 50km u jirta Baydhabo.

Ku dhawaad labo bilood ka horna, ciidanka Ethiopia oo kaashanaaya Dooxada Shabeelle ayaa la wareegay magaalada Beled Weyne.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ay magaalada ugu baxday xiilad dagaal.