Golaha Ammaanka oo ansixiyay ciidamo dheeraad ah

Golaha ammanka ee QM ayaa si aan kala har lahayn ugu codeeyey in la ballaariyo ciidanka Midowga Afrika ee jooga Soomaliya.

Qaraarkan ayaa waxa uu ogolaanayaa in la kordhiyo tirada ciidanka midowga Afrika oo la gaarsiiyo ku dhowaad 18 kun oo ciidan, halka ay haatan ka yihiin 12 kun oo ciidan.

Waxaa uu sidoo kale qaraarkan kordhinayaa taageerada caalamiga ah ee dhinaca maaliyada ee lagu taageerayo AMISOM, iyo sidoo kale waxa uu siinaya AMISOM awood xooggan oo u ogolaanayso in ay weeraraan kooxda Shabaab.