Shirka London ee Soomaaliya oo soo xirmay

Lahaanshaha sawirka Getty

Ra'iisal wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa soo gebagebeeyay shir weyn oo caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya, isagoo u soo dhoweeyay shirka London inuu yahay meel Soomaaliya iyo adduunku ugu guurayaan xasillooni weyn iyo barwaaqo.

Waxaa uu sheegay in heshiis laga gaaray arrimo waaweyn sida ammaanka, la dagaallanka burcad badeedda iyo gargaarka bani'aadanimada ee la siinayo Soomaaliya iyo habka siyaasadda ee dalka.

Hadalkii uu shirka ku xirayay, Mr Cameron waxaa uu sheegay in aan la dhayalsan karin muhiimadda ay leedahay Soomaaliya oo yeelata hab siyaasadeed oo xasilloon.

Shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen Ra'iisul wasaaraha Britain, David Cameron, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo Guddoomiyaha Midowga Africa.

David Cameron wuxuu sheegay in aysan jirin dan gaar ah oo ay ka leeyihiin Soomaaliya.

War Murtiyeedka shirka

Lahaanshaha sawirka Getty

War murtiyeedka uu shirka ka aqriyay ra'iisul wasaaraha Britain, ayaa qodobada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in bulshada caalamku isku raacday in dardar hor leh la galiyo qoshaha siyaasadda, in la xoojiyo AMISOM, in laga caawiyo Soomaalida sidii ciidamadooda amniga loo horumarin lahaa, in laga caawiyo dhismaha xasiloonida dalka, iyadoo hoosta laga soo bilaabayo iyo in la dardargaliyo tallaabada xalka looga gaarayo burcad-badeeda iyo argagixisada.

War murtiyeedka ayaa soo dhoweeyay horumarka lagu xusay Shirkii Garowe.

Waxaana lagu sheegay in Garowe 2 iyadoo la raacayo, uu shirku isku raacay in horumarka la dhiirigaliyo lagana hortago kuwa qaribayaasha ah.

Waxaa la cambaareeyay argagixisnimada iyo xagjirnimada qatarta ah.

Waxaa shirku isku siku raacay in bulshada caalamku taageerto wadahadal kasta ee dhexemaraya Somaliland iyo dowladda ku meelgaarka ah ama waxa lagu badali doono, go'aanka laga yaabo in ay ka gaaraan sidii loo cadayn lahaa xiriirka mustaqbalka ee ka dhaxeeya.

Waxaa kaloo go'aanno laga gaaray burcad badeednimada iyo argagixisada. Burcad badeeda lagu soo xukumo dalalka Seychelles, Tanzania iyo Mauritius ayaa lagu xiri doonaan Somaliland iyo Puntland.

Shirka Jaraa'id

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo la waydiiyay in uu taageerayo duqayn dhinaca cirka ah oo lagu qaado al-Shabab, ayaa sheegay in uu taageerayo weeraro cirka ah oo xadidan oo ka dhan ah "Al-Qaeda.", iyadoo laga dhowrsanayo dhaawaca ama dilka dad rayid ah.

"La hadlidda al-Shabab ma aha wax wanaagsan." ayay tiri Hillary Clinton oo shirkaas kadib saxaafadda la hadashay.

Guddoomiyaha midowga Africa wuxuu sheegay in ilaa 2700 ciidamo gaarayo oo ka mid ah tirada harsanayd ciidamada Uganda iyo Burundi in la gayn doono magaalada Baydhaba. Wuxuu sheegay in ciidamada Ethiopia ay ka bixi doonaan magaalada ayna AMISOM la wareegi doonto.