Shirka London oo furmay

David Cameron oo qauraac la cunay madaxda Soomaalida Lahaanshaha sawirka other
Image caption David Cameron oo quraac la cunay madaxda Soomaalida

Shir ballaaran oo caalami oo looga hadlayo mustaqbalka dalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada London.

Waa dadaal uu hogaaminayo ra'iisul wasaaraha Britain David Cameron si qaab cusub loogu wajaho dagaalka sokeeye, fowdada iyo macluusha wadanka soo wajahday in ka badan labaatan sano.

Wakiilada dowladda ku meelgaarka ah iyo kooxo kale oo Soomaali ah ayaa ka qaybgalaya balse kuma jiraan kooxda Islaamiga ah ee al-Shabaab oo gacanta ku haysa qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

In ka badan konton hogaamiyayaasha gobolka iyo kuwa caalamka ayaa ka qaybgalaya.

Waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mid ah sidii loo heli qaab lagula tacaalo al-Shabaab iyo sidoo kale burcad-badeeda, macluusha iyo dhibaatada ballaaran ee dhinaca qaxootiga.