Mandela oo isbitaal la dhigay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela waa 93 jir

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela, ayaa la dhigay isbitaal. Hadal dowladdu ay oo saartay ayaa lagu sheegay in Mr Mandela oo 93 jir ah uu ka xanuunsan yahay caloosha, oo uu u baahday in la geeyo isbitaalka.

Waxaa la aaminsan yahay in xaaladdiisu hadda ay deggan tahay, kadib markii uu maray qalliin sii qorsheysnaa.

Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Afrika, Mac Maharaj, ayaa sheegay inuu fiican yahay hadda.

Waa markii labaad ee Mandela isbitaal la geeyo muddo sanad ah.

Madaxweynaha hore ayaa waxa hawlgab noqday muddo sideed sano ka hor ah, inta badanna lagu arko meelaha fagaaraha ah.