Cunaqabataynla saaray Syria

Dowladda ayaa sii wada weerarka ay ku hayso mucaaradka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dowladda ayaa sii wada weerarka ay ku hayso mucaaradka

Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay cunaqabatayn dheeraad ah inay saaraan dowladda Syria ee dagaalka kula jirta mucaaradka ka soo horjeeda.

Lacagtii bangiga dhexe ee Syriya ayaa la xayiray, waxaana la mamnuucay toddobo masuuliyiin oo akle oo la shaqeeya Madaxweyne Assad.

Diyaaradaha xamuulka ee ka imaanaya Syria ee imaanaya Midowga Yurub ayaa la mamnuucay, waxaana la xadiday ganacsiga dahabka iyo birta ee Midowga Yurub uu la leeyahay Syria.

Midowga Yurub ayaa wuxuu horay cunaqabatayn saaray Shidaalka iyo hubka Syria.