Shaqo joojin baahsan oo ka socota India

shaqa joojinta India Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption shaqa joojinta India

Shaqaalaha dalka India ayaa shaqo joojin baahsan ku dhaqaaqey iyagoo dalbanaya xaalado wanaagsan oo dhinaca nolosha, kana soo horjeeda sicir bararka iyo talaabada lagu iibinayo shirkadaha ay dowladda leedahay.

Shaqo joojintaan ayaa waxaa ku baaqey kow iyo toban urur shaqaale oo ka mid ah ururada shaqaale ee ugu weyn dalka . Shaqa joojintan ayaa waxay saameysey bankiyada, xafisyada boostada, gaadiidka iyo dekedaha.

Meelaha sida weyn ay u saameysey shaqo joojintan waxaa ka mid ah gobolada West Bengal, Kerala iyo Tripura halkaas xisbiga hantiwadaagga uu ku leeyahay taageero balaaran.

Magaalada caasimadda ah ee Delhi, bankiyada ayaa xiran, shirkadaha adeegyada tagaasidana shaqada ayay joojiyeen.