Cadaadis la saarayo Syria

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Yang Jiechi

Shiinaha ayaa ku soo biiray cadaadiska caalamiga ah ee la saarayo Syriya inay u ogolaato in gargaar biniaadannimo la gaarsiiyodadka dagaalka ku dhaawacmay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Yang Jiechi, ayaa taageeray cadaadiskan kadib markii wasiirada arrimaha dibada ee carabta iyo madaxa Jaamacada Carabta Nabil al Carabi oo hogaaminayay cadaadiska la saarayo Madaxweyne Assad .

Shinaha iyo Ruushka ayaa lagu dhaleeceeyay inay hor istaageen go'aan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ugu baaqaysay in uu Madaxweyne Assad xukunka ka dego.

Waxaa jira qorshooyin goaan cusub ee Qaramada Midoobay oo ansixinaayo gargaarka biniaadannimo ee la siinayo dadka reer Syria.