Dagaal ka socda Suuqa Xoolaha

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya

Wararka ka imnaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo jidka Balcad ee suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada AMISOM oo taageeraya kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo al-Shabaab.

Wararku waxa ay sheegayaan in ay jiraan dad wax ku noqday dagaalka.