Go'aan Golaha Xaquuqda oo cabaaraynaya Syria

Golaha Xaquuqda Bini'aadanka ee Qaramada Midoobay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Golaha Xaquuqda Bini'aadanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Xuquuqda Bini'aadanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay go'aan cambaaraynaya dowladda Syria oo dagaalka ay kula jirto dadkeeda iyo in ay ogolaato in gaargaar la gaar siiyo dadka.

Ansixinta go'aankan oo ka dhacday xarunta Golaha ee Geneva ayaa loogu tala galay in cadaadis lagu saaro Syria. 37 waddan ayaa ansixiyay go'aanka.

Koffi Annnan oo loo magacaabay wakiilka cusub ee Syria ayaa isku diyaarinayo inuu booqdo Magaalo madaxda Syria ee Damascus.

Waxaa jira warar sheegaya in hub culus lagu soo ridayo Deegaanka Baba Camr ee magaalada Homs iyadoo ciidamada ay isku dayayaan inay qabsadaan magaalada.

Britain ayaa xirtay safaaradeedii Damascus, waxayna soo qaaday dhamaan shaqaalaheedii dimlomaasiyiinta. Mucaaradka Syria ayaa ku dhawaaqay inay sameeyeen xafiis milatari oo mideeya dadka hubaysan ee la dagaalamada Madaxweyne Bashar Al Asad.