Turkish Airline oo u duushay Somalia

Turkish airline ayaa noqotay diyaaradii ugu horaysay ee u duusha Muqdisho Lahaanshaha sawirka none
Image caption Turkish airline ayaa noqotay diyaaradii ugu horaysay ee caalami a ee u duusha Muqdisho

Shirkada diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa waxaa ay ku dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Waa duulimaadkii ugu horeeyay ee caalami ah ee Soomaaliya ka daga muddo labaatan sano ah.

Diyaarada waxaa soo dhaweeyay wafdi badan oo ka socotay DKMG ah, sarakiil Qaramada Midoobay iyo safiiro.

Duulimadka ayaa waxaa uu daba socdaa booqasho uu Muqdisho ku tagay sanadkii la soo dhaafay Ra'isul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaas oo sheegy inuu ka horjeedo fekradda oranaysa Muqdisho waa meel aan la tagi karin.

Shirkada duulimadyada Turkiga ayaa waxaa ay sheegaysaa in ay u kala duuli doonto usbuucii labo jeer Mogadishu iyo Ankara iyada oo sii mareysa Khartuun.