Golaha Ammaanka oo taageeray shirkii London

Golaha Ammaanka ee QM Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Golaha Ammaanka ee QM

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta waxaa uu dood ka yeeshay xaaladda Soomaaliya. Shirka Golaha Ammaanka waxaa la filayaa in uu si buuxda u taageero go'aammadii ka soo baxay shirkii Soomaaliya ee ka dhacay London 23-kii bishii February.

Dowladda Britain uu shirka London martigelisay ayaa shirka Golaha ammaanka ee Maanta ka dhacaya New York waxaa uga qeyb gelaya Wasiirka Arrimaha Afrika, Henry Bellingham, oo isagu shirka Golaha Ammaanka Guddoominayay.

Shirkii London waxaa uu ahaa kii ugu weynaa abid ee looga arrinsado arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ahaa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Somaliland uu ka qeyb galo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.