Dalxiisayaal laga soo daayay Ethiopia

Khariidada Ethiopia Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Labo dalxiisayaal oo lagu haystay Ethiopia ayaa la sii daayay

Labo qof oo dalxiisayaal ahaa oo lagu haystay Ethiopia aya la sii daayay

Sida laga soo xigtay Jabhadda Kacaanka Duimuquraadiyadda Cafarta, labada dalxiisayasha ah ee u dhashay Jarmalka waxaa gacnta loo geliyay odoyaal deegaanka ah.

Labada dowladood ee Jarmalka iyo Ethiopia waa ay la socdeen warbixinada sheegayay in la heysatayaasha la sii daayay, hase ahaatee ma ayan xaqiijin warkaasi.

Labada Jarmalka ayaa waxa la qabsaday mar weerar lagu qaaday dalxiisayaasha bishii Janaayo. Dhowr qof oo kale ayaa lagu dilay weerarkaadi.

Dowladda Ethiopia ayaa waxa ay dhacdada ku eedeysay Eriterea oo taageeraysa mucaaradka Cafarta.