Israel oo ka digtey nukliyarka Iran

Raisal Wasaaraha Israel Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Israel waxay ka digtey hubka Nukliyarka ee Iran

Raiisal Wasaarah Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu usan ogolaan doonin in Iran ay yeelato hub Nukliyar ah.

Netanyahu waxaa uu la hadlayey, Urur u ololeeya Israel oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano, AIPAC amaba Guddiga u qaybsan arrimaha xiriirka Maraykanka iyo Israel.

Raisal Wasaaraha Israel waxaa uu sheegay in cuna qabataynta iyo diblomaasiyadda ay shaqayn wayday. Waxaa uu sheegay in adduunka iyo Israel aysan awoodi karin inay waqti dheer sugaan.

Toddobaad ka hor, madax-weynaha dalka Maraykanka, Barack Obama, ayaa ka digey in Maraykanku usan ka shakin doonin in uu xoog adeegsado, si Iraan looga joojiyo hub Nukliyar ah oo ay samaysato.

Hase ahaate, Obama waxaa uu sheegay in diploaasiyadda ay tahay wadada ku haboon in la maro.