Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Turkish Airline oo u duushay Somalia

Lahaanshaha sawirka none
Image caption Turkish Airlines ayaa ka degtay Muqdisho

Shirkada diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa waxaa ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waa duulimaadkii ugu horeeyay ee caalami ah ee Soomaaliya ka daga muddo labaatan sano ah.

Diyaaradda waxaa soo dhaweeyay wafdi badan oo ka socday DKMG ah, sarakiil Qaramada Midoobay iyo safiirro.

Duulimadka ayaa waxaa uu daba socdaa booqasho uu Muqdisho ku tegay sanadkii la soo dhaafay Ra'isul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaas oo sheegy inuu ka horjeedo fekradda oranaysa Muqdisho waa meel aan la tegi karin.

Shirkadda diyaaradaha Turkiga ayaa waxaa ay sheegaysaa in ay labo jeer u kala duuli doonto Muqdishu iyo Ankara iyada oo sii mareysa magaalada Khartoum ee dalka Sudan.