Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

QM oo taageertay qodobadii shirka London

Image caption Qaramada Midoobey waxay taageertay shrika London

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirkii London ee looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya.

Kullankan uu Golaha Ammaanka ee QM ugu hadlayay Soomaliya, waxaa gudoominayay Wasiirka Britain ugu qeybsan arrimaha Afrika, Henry Bellingham.

Britain ayaa bishan guddoominaysa Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobey.

Wareysi gaar ah oo uu Henry Bellingham siiyay Laanta Afka-Soomaliga ee BBC, ayaa waxaa uu sheegay in goluhu ku heshiiyay in ciidamada AMISOM tiradooda la gaarsiiyo ilaa 17700 askari.

Mar la weydiiyay halka ay ka filayaan ciidanka cusub, waxaa uu sheegay in Uganda laga filayo ciidan dheeri ah, halka Djibouti ay keeni doonto labo cutub oo ciidan ah.

Bellinghan waxaa uu sheegay in Sierra Leone ay ballan qaadday ciidan, halka ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaliya ay ku biiri doonaan AMISOM.

Bellingham waxaa kale oo uu sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay si dhaqsa ah u luminaysa sumcadeedii.

Goluhu waxaa uu wal-wal ka muujiyay burcad badeedda iyo kooxaha xagjirka ah ee ka jira Somalia.

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa ka digey inay xaalada baniaadanimmo ee dalkaasi sii xumaato bilaha soo socda.