Dibadbax lagu taageerayo Khaatumo

Madaxda dowladda KMG Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dibadbaxyo ka dhacay Laasa Caanood

Ugu yaraan hal qof ayaa la sheegayaa in uu ku dhaawacmay iska horimaad rabshada watay oo ka dhacay magaalada Laasa Caanood ee caasimadda gobolka Sool.

Iska horimaadkan ayaa waxa uu dhexmaray booliska Somaliland iyo dad dibad-bax dhigayey.

Dibad-baxyada waxaa lagu taageerayay aqoonsiga dowladda KMG ee maamulka Khaatumo ee dhawaantani looga dhawaaqay gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Dibadbaxyo kale ayaa la sheegay in ay ka dhaceen magaalada Taleex oo ah halka uu ka dhacay shirkii lagu soo dhisay maamul goboleedka Khaatumo.

Madaxweynaha xilligan ee Maamulka Khaatumo Axmed Cilmi Cusman ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Somaliland ayaa ka soo horjeesatay maamulkani.

Dhulka Sool, Sanaag iyo Ceyn waxaa horaan ugu muransanaa Puntland iyo Somaliland.