Dowladda oo aqoonsatay Khaatumo state

Madaxweynaha iyo Raisal Wasaaraha Somalia Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dowladda KMG ayaa aqoonsatay Khaatumo

Dowladda KMG ee Somalia ayaa sheegtay in ay aqoonsatay maamul goboleed dhawaantan looga dhawaaqay gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Somaliland ayaa ka soo horjeesatay sameynta maamulkani cusub.

Arrintani ayaa imaanayso iyadoo Madaxweynaha Soomaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Maxamada Maxamuud Siilanyo ay labadaba sheegeen in ay wada-hadli doonaan.

Sharif waxaa uu sheegay in Somaliland ay kala hadli donaan midnimada Soomaaliya, halka Siilaanyo uu sheegay in wadahadalladu ay noqon doonaan kuwa ku saabsan madaxbanaanida Somaliland.

Wasiiru-Dowlahada Arrimaha dastuurka DKM Xasan Maxamad Jimcale ayaa BBC u sheegy in wafdi ka socda maamulkani oo uu hogaaminaaya madaxweynaha Khaatumo ay wadahallo la yeesheen madaxda DKM oo uu kujiro madaxweyne Sheekh Sharif Sheekh Axmed.