Kenya oo shaqada kacayrinaysa 25000

Shaqaalaha la cayriyay ayaa ka shaqeeya isbitaalada dowladda Lahaanshaha sawirka online
Image caption Shaqaalaha la cayriyay ayaa ka shaqeeya isbitaalada dowladda.

Dowladda kenya ayaa sheegtay inay shaqada ka cayrisay labaatan iyo shan kun oo shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeeya isbitaalada dowladda, kadib markii ay ku jireen toddobaad shaqo joojin ay ku doonayaan in loo kordhiyo mishaarka.

Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay shaqaalaha laga cayriyay shaqada oo ku jiraan kalkaaliyayaal caafimaad iyo shaqaalaha ka shaqeeya laababka lagu baaro cudurada, in shaqadoodii la siinayo dad kale.

Ururka shaqaalaha caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay inay dowladda rabto inay wadahadal la gasho shaqaalaha oo aysan awoodin inay dad kale hesho.

Shaqaalaha ayaa ku eedeynaya dowladda in la siiyo lacag yar iyo xaalada ay ku shaqeeyaan oo adag, iyadoo aysan haysan qalab shaqalahana ay ku yar yihiin.