Sharif oo dhisayo guddi la xaajooda Somaliland

Madaxda dowladda Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Sharif ayaa soo dhaweeyay Khaatumo

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, ayaa maanta ku dhawaaqay in uu dhowaan magacaabi doono Guddi la xaajooda Somaliland.

Arrintani waxay ku soo beegantay iyada oo Madaxweynaha ay London shir uga wada qeyb galeen Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silanyo.

Madaxweyne Shariif waxaa kale oo uu soo dhaweeyay maamulka cusub ee dhawaantan looga dhawaaqay gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Madaxweynaha xilligan ee Maamulka Khaatumo Axmed Cilmi Cusman ayaa magaalada Muqdisho shirar kula yeeshay madaxda dowladda KMG

Madaxweyne Sharif waxaa uu sheegay in soo dhaweynta Khaatumo aanay burburinayn Somaliland iyo Puntland. .