Haweenka Somaliland oo 50% dalbaday

Madaxweynaha Somaliland Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Haweenka Somaliland ayaa codsi u diray madaxweynaha Somaliland

Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacaya munaasabado lagu xusaayo maalinta haweenka adduunka ee siddeeda Maarso.

Guddomiyaha ururka haweenka Somaliland ayaa ka codsatay madaxweyne Maxamad Maxamuud Siilaanyo in uu dumarka ugu dhawaaqo qeyb ay ku yeeshaan golaha baarlamaanka ee dalkaasi oo gaaraayo ilaa 5o boqolkiiba.

Aniisa Nuur Cigaal waxay sheegtay in dumarka Somaliland ay dalkaasi ka qabteen xilal waaweyn.

Magaalada Muqdishona waxaa ka socda dabaal dega lagu xusayo maalintani. Xafladani waxaa ay ka socotaa Guriga Hooyooyinka oo dhawantan lagu wareejiyay urur u ololeeya haweenka.

Raxmo Xasan Axmed oo joogta Britain oona la shaqeysa hay'adda Somali Relief and Deveopment Forum oo BBC u warrantay ayaa sheegtay in dumarka Soomalida ay dhibaato ka soo gaartay dagaallada 20-kii sano ka socday Somalia.

Raxmo oo dhawaantan ka soo laabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dumarka Soomaaliyeed ay ka dambeeyaan kuwa kale ee dunida.