Wasiir ku xigeen Syria oo ku biiray mucaaradka

WAsiir ku xigeenka Shidaalka ee Syria Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Wasiir ku xigeenkii shidaalka ee Syria Abdi Hussam-eddin ayaa sheegay inuu ka tagaayo dowlada oo uu ku biiraayo kacaanka dadka Syria.

Waa qofkii ugu horeeyay ee aan askari ahayn oo dowladda meel sare kaga jira oo ku biira mucaaradka, tan iyo untii ay bilaabatay kacdoon looga soo horjeedo madaxweyne Asad.

Golaha qaranka ee mucaaradka Syriaayaa sheegay inay aaminsan yihiin in wasiiro badan ay diyaar u yihiin inay dowladda ka baxaan.