Maalinta Haweenka Adduunka

Maalinta haweenka ayaa adduunka oo dhan laga dabaaldagaa Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Maalinta haweenka ayaa adduunka oo dhan laga dabaaldagaa sanad walba tan iyo horaantii qarnigii sagaal iyo tobnaad.

Meelo badan oo caalamka ka mid ah ayaa waxaa laga xusayaa Maalinta Haweenka Adduunka.

Waxaana magaalada Muqdisho ka socda dabaal dega lagu xusayo maalintani. Xafladani waxaa ay ka socotaa Guriga Hooyooyinka oo dhawantan lagu wareejiyay urur u ololeeya haweenka.

Raxmo Xasan Axmed oo joogta Britain oona la shaqeysa hay'adda Somali Relief and Deveopment Forum oo BBC u warrantay ayaa sheegtay in dumarka Soomalida ay dhibaato ka soo gaartay dagaallada 20-kii sano ka socday Somalia.

Raxmo oo dhawaantan ka soo laabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dumarka Soomaaliyeed ay ka dambeeyaan kuwa kale ee dunida.

Magaalada Hargeysana, dumarka waxay si weyn ugu dabbaal degayaan maalintani. guddoomiyaha ururka haweenka ee Somaliland Anisa Nur Cigaal ayaa BBC u sheegtay in ay dabaal degyadu socon doonaan ilaa habeenki, oo maanta ay tahay maalinta kaliya ee ay dumarka leeyihiin sanadka oo dhan.