Lix qof ayaa ku dhintay qaraxa Nairobi

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qaraxa Nairobi ka dhacay waxa ku dhintay 6 qof, waxaana ku haawacmay 63

Wasiirka ammaanka gudaha ee dowladda Kenya, George Saitoti, ayaa sheegay in lix qof ay ku dhinteen inta la og yahay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Nairobi.

Waxa uu sheegay in 63 qof oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, oo ka dhacay meel basaska laga raaco uu ku taalla magaalada caasimadda.

Waxa ay u muuqataa in dhawr bam gacmeed lagu tuuray dad badan oo laga soo tuuray baabuur socday oo meesha marayay.

Ma jirto cid ilaa hadda qiratay inay ka danbeysay qaraxaasi, laakiin masuuliyiinta wadanka Kenya waxa ay ku eedeeyeen inay ka danbeeyeen kooxda Islaamiga ee Soomaaliya ee al-Shabaab.