Dagaal ka dhacay Yurkud

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaar ka mid ah ciidanka al-Shabaab

Deegaanka Yurkud oo ka tirsan gobolka Gedo, waxaa laga soo sheegay in dagaal xoog lihi uu halkaas ku dhex-maray, Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia oo wada-socda iyo kuwa xarakada Al-Shabab oo ka tirsan Ururka Al-Qaacida.

Ciidamada Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa ay sheegeen in ay qaar badan ka dileen xoogaga Al-Shabaab.

Dhinaca kalena, xoogaga Xarakada Al-Shabaab, waxaa ay sheegeen in ay Askar badan ka laayeen Ciidamada Soomaliya iyo Ethiopia.

Ma jiran warar xaqiijinaya sheegashada labada dhinac.