Dowladda Somalia oo hub soo bandhigtay

Cidanka Al-Shabaab Lahaanshaha sawirka
Image caption Dowladda oo soo bandhigtay hub ay sheegtay in laga qabsaday Al-Shabab

Cidamada DKMG ee Somalia ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigey hub ay sheegeen inay ka qabsadeen Xarakada Al-Shabab.

Hubkan ayaa waxaa lagu soo bandhigey goobo duleedka magaalada ku yaala oo dhowaan laga qabsadey Al-Shabab.

Taliye ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Maxamed Farax Al-Ansari ayaa BBC u sheegey in ay la wareegeen hub iyo baabuur ay lahaayeen Al-Shabab.

Al Ansaari waxaa kale oo uu sheegey in uu horey ugu tirsanaa Al-Shabaab.