Dagaallada qabiil ee Koonfurta Sudan

Koonfurta Sudan Lahaanshaha sawirka a
Image caption Boqolaal ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen dagaal qabiil

Wararka ka imaanaya Koonfuurta Sudan ayaa sheegaya inay halkaasi ka jirto cabsi weyn oo ah in boqolaal qof ay ku dhinteen weeraro aargoosi oo xiriir ah oo maalintii Jimcaha dhacay.

Waxaa weerar lagu qaadey goobo badan oo at deganyihiin dadka xoola dhaqatada ah gobolka Jonglei.

Kumanaan qof ayaa lagu diley dagaalada noocan ah ee u dhexeeya qabiillada halkaasi deggan, tan iyo markii Jamhuriyadda Koonfuurta Sudan ay xornimo qaadatay bishii July ee sannadkii tegey.

Dhalinyaro ka soo jeedda qabiilka Murle ayaa weerar ku qaadey ugu yaraan siddeed goobood oo ku yaala waqooyiga magaalada Akobo, sida laga soo xigtay madaxda degaanka.

Dhulkan qeybta ka ah gobolka Jonglei waa mid xaaladiisa ay aad u liidato oo xitaa aan gaarsiisneyn heerka nolosha caadiga ah ee Koonfuurta Sudan.

Sidaasi darteed, way adagtahay in la helo faahfaahin lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan tirada dhimashada.

Laakiin wasiirka Dhaqangelinta sharciga ee gobolka Jonglei, Gabriel Duop Lam, ayaa BBC u sheegey on ugu yaraan laba boqol oo qof lagu dhaawacay weeraradaasi.

Tani waxay muujineysaa in weerarkan ugu dambeeyey, oo dhacay maalintii Jimcaha, uu ahaa amid aad u balaaran.

Lahaanshaha sawirka spl arrangement
Image caption Dagaallo qabiil ayaa ka dilaacay Koonfurta Sudan tan iyo markii ay xornimada qaadatay

Qowmiyadda Murle ayaa waxaa kale oo la sheegayaa inay dhaceen kumanaan lo' ah.

Dhaca xoolaha ayaa qeyb ka ah sababaha dhaliya weerarada noocaan ah, kuwaas oo soo jiitamayey dhowr sano.

Sababta kalena waxay tahay weerarada aargoosiga ah.

Boqolaal ka tirsan qowmiyadda Murle aya lagu diley sannadkan weeraro xiriir ah oo dhacay, kuwaas oo ay soo qaadeen qowmiyadda la yiraahdo Luo Nuer.

Waxay aargoosi u ahayeen dilal dhacay bishii August, kuwaas oo ay ilaa lix boqol oo qof lagu diley.

Ciidamada Koonfuurta Sudan iyo kuwa nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey waxay horey ugu dhawaaqeen inay kordhin doonaan joogitaankooda gobolka Jonglei markii ay weeraradan dhaceen kadib.

Dilalkan ugu dambeeyey waxay dhacayaan wax yar ka hor intaaney dowladdu bilaabin olole hubka looga dhigayo kooxaha hubaysan ee ku dhaqan gobolka Jonglei.