Dhoofinta Dhuxusha iyo xaalufka ay keento

Lahaanshaha sawirka Reuters

Qaramada Midoobay oo mamnuucday dhoofinta dhuxusha

Golaha Amaanka ee qaramada midoobay ayaa dhawaan waxa u meel mariyay sharci mamnuucaya dhoofinta iyo in laga ganacsado dhuxusha dhulkaa Soomaalida laga gubo.

Mid ka mid ah dadka ololeeya la dagaanka xaalufinta dhulka ayaa sheegay in 80% dhuxusha laga jaro Soomaaliya loo dhoofiyo dalka dibadiisa iyada oo qiyaastii waxa ka yar laga isticmaalo gudaha dalka.

Faarax Mahamuud Mohamed oo ah guddoomiyaha ururka Badbaadinta Bii'adda Soomaaliyeed ayaa waxa uu BBC u sheegay in lagu qiyaasayo lacagta laga helo dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya in ka badan 15 milyan oo oo doolar sanadkiiba.

Waxa uu Faarax sheegay in kasta oo Qaramada Midoobay ay soo saareen qaraar mamnuucaya dhoofinta iyo ka ganacsiga dhuxusha in hadana joojinta iyo la dagaalanka xaalufunta dhulka ay tahay arin u taalla dadka Soomaalida ah.

Dalalka ugu badan ee loo dhoofiyo dhuxusha Soomaaliya ayaa waxa ka mid ah Sacuudiga , Imaaraadka Carabta,Qadar,Kuwait iyo wadamo kale.

Dadka aqoonta u leh cilmiga deegaanka ayaa qaba hadii ay sii socoto jaridda dhirta in ay keeni karto nabaad guur.