Kenya oo sheegtay ciidamada ay u dirayso Somalia

Ciidamada Kenya ayaa soo galay Soomaaliya bishii Oktobar Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Kenya ayaa soo galay Soomaaliya bishii Oktobar ee sanadkii hore si ula dagaalamaan AlShabaab

Dowladda Kenya ayaa shaacisey tirada ciidamada ay ku biirin doonto hawlgalka nabad ilaalinta Midowaga Afrika ee Somalia (AMISOM).

In ka badan 4500 oo askari ayaa Kenya uga mid noqonaya AMISOM, iyadoo haatanba uu ciidan ka joogo koonfuurta Somalia, kuwaas oo dagaal kula jira kooxda Al-Shabab.

Taliyaha ciidamada difaaca Kenya, General Julius Karangi, ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay dhaqangelinta qaraarka Qaramada Midoobey ee dhigayey kordhinta tirada ciidamada AMISOM ee dalka Somalia.

Kenya ayaa bishii Octoobar 2011 waxa ay ciidamadeedu galeen Soomaaliya,Kenya waxay ku eedeeyeen Alshabaab inay ku lug lahayd afduubyo iyo rabshado xiriir ah oo ka dhacay xuduudda ay la leedahay Soomaaliya.